Amniga magaalada Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay iyo howlgallo ka socda

HomeWararka

Amniga magaalada Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay iyo howlgallo ka socda

Wararka saaka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyey amniga magaaladaasi oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sooma

Maanhadal: Waxqabadka Xukumadda RW Xasan Cali Khayre (dhegayso)
MADAXWEYNE FARMAAJO “HAWLGALKA ATMIS WUXUU KU SHAQEYNAYAA HABRAACA AMNIGA DOORASHOOYINKA EE AY KU HESHIIYEEN MADASHA WADATASHIGA QARANKA”
Madaxwayne Farmaajo oo kulan degdeg ah uga qaybgalaya Turkiga

Wararka saaka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyey amniga magaaladaasi oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la dhigay waddooyinka magaalada oo dhan, si ay amniga u xaqiijiyaan, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab ay bilaabeen in qaraxyo ay ka geystaan magaalooyinka.

Magaalada maanta waxaa aas aas qaran loogu sameyn doonnaa Wasiirkii Cadaaladda ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Sheekh Xasan Ibrahim Lugbuur iyo wiil uu dhalay ayaa shalay lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baydhaba.

Magaalooyinka maamulka Koonfur Galbeed Sida Baydhabo, Afgooye iyo Marko ayaa waxaa ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay Qaraxyo ay dad badan ku dhinteen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: