Madaxwayne Farmaajo oo kulan degdeg ah uga qaybgalaya Turkiga

Madaxwayne Farmaajo oo kulan degdeg ah uga qaybgalaya Turkiga

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa saacado kahor lagu soo dhoweeyey magaalada Istambuul ee dalka Turkiga, waxaana soo dhoweeyey masuuliyiin sare oo katirsan dowladda Turkiga.

Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Villa Soomaaliya C/nuur Maxmed Axmed ayaa sheegay socdaalka madaxwaynaha inuu la xiriiro shirkii degdega ahaa ee uu ku dhawaaqday madaxwaynaha dalka Turkiga inay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha ururka dowladaha Islaamka.

Waxaa uu sheegay Soomaaliya oo ka mid ahayd dowladihii ururka aasaasay inay muhiim tahay inay shirkan ka qaybgasho, waxaana looga jawaabayaa go’aankii madaxwaynaha Mareykanka D. Trump uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Qudus inay tahay caasimadda dowladda Isra’il.

Shirka ayaa furmi doona maalinta berito oo Arbaco ah, waxaana ka qaybgali doona 57-da dowladood ee ururka ku midaysan, gabagabada ayaana lasoo saari doonaa bayaan kusaabsan aragtida midaysan ee dunida Muslimka ee go’aanka D.Trump.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com