AMISOM oo markale muddo kordhin loo sameynayo

HomeWararka

AMISOM oo markale muddo kordhin loo sameynayo

Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ee ka howlgala wadanka Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in mudada loo kordhiyo marka la gaaro 31-ka December 2021,iyadoo

QUUDINKA QOYSKA IYO NAFAQADA WANAAGSAN
Qormo: Shacabka Puntland iyo Jubbaland Nina kama weecan karro hadafki loo yagleelay oo ahaa Dowladnimo& Somalinimo
Daljir & BBCMA: Baraarugga Haweenka – Taxanaha 35aad (Xaawo Axmed iyo Maxamed Xasan Dhalo – dhegayso)

Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ee ka howlgala wadanka Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in mudada loo kordhiyo marka la gaaro 31-ka December 2021,iyadoo looga dhigayo in ay dalka sii joogaan illaa inta ay amniga uu ka xasilayo lagana xaqiijinayo in ay dhammaato qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya.
Kulan ay shalay yeesheen 15-ka xubnood ee Midowga Afrika u qaabilsan Ammaanka iyo nabadgalyada ayaa lagu cadeeyay go’aanka ah muddo kordhinta.

Qorshahaan ayaa xal u noqonaya welwelka laga qabo soo afjraridda howlgalka Midowga Afrika ee soo bilawday 2007-dii maadaama uu waqti dheer qaatay ku tiirsanaanta ciidanka afrikaanka ah ee Dalal kala duwan.

15-ka Dal ee Doorashada saddexda sano ah ku yimid ee Golaha Nabadda & amniga Midowga Afrika ayaa kala ah: Kenya, Djibouti, Ethiopia, Egypt, Nigeria, Algeria, Benin, Burundi, Cameroon, Chad, Ghana, Lesotho, Malawi, Mozambique & Senegal.

Qorshahaan oo soo jeedin ah waxaa loo gudbiyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo taageera howlgalka Ururka Midowga Afrika ee AMISOM dhankooda looga helo fasaxa waqti kordhinta Bishaan May 2021.

Ciidamada AMISOM Sanad weliba waxaa loo kordhiyaa waqtiga, ujeedka ay Soomaaliya u joogaan waa ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee Dalka, la shaqeynta Ciidamada qaranka & la dagaalanka Al-Shabaab sida ku xusan diiwaan qorsheydka AU & UN-ka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0