Qormo: Shacabka Puntland iyo Jubbaland Nina kama weecan karro hadafki loo yagleelay oo ahaa Dowladnimo& Somalinimo

Qormo: Shacabka Puntland iyo Jubbaland Nina kama weecan karro hadafki loo yagleelay oo ahaa Dowladnimo& Somalinimo

Dawlad goboleedka Puntland,waxaa sal u ah aas aaskeedii hore in la baadi goobo dawlad soomaaliyeed oo shaqaysa kana hirgasha gayiga soomaaliyeed.Madax waynihii hore alle ha u naxariistee Cabdullahi yusuf tubtee jeexay waxay ahayd in uu hirgaliyo inta karaan kiisa ahayd sidii soomaaliya ay ku heli lahayd nidaam iyo kala danbayn iyo dawladnimo,sitaas ayuu ku hogaamiyay kuna geeriyooday hadafkaas fulintiis.

Maranaba maha waana kaxaaranba Puntland wax kasokeeya Soomaali hal ah mid ah oo dawlad ah.Puntland waa shacab wadani ah iyo bud dhigihii halgankii xornimodoon  ee soomaaliyeed.Punland waxay u heelan yihiin in mar indhahoodo arkaan soomaaliya oo sibuuxda usoo ceshatay dawladnimadeedii burburtay 1991 dii.

Jubaland waa curdan hada uun gurguurad  barad ah,sidaa puntland waxay qaateen hadaf soomaalinimo iyo in lahelo dawlad shaqaysa dalkana kasaarta dayaca dawlad la aanta.Sida madaxwayne Axmed modoobe ka cadeeyay meelo iyo shirar  badan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waxa uu sheegay in dalka laga daayo madaxdan dawlad goboleedyada magacan loogu yeero oo ah madaxweeyne taa badalkeedana loogu yeero oo kaliya madaxwaynaha dawalda fadaraalka ee soomaaliya,iyaga gobolada ahna loogu yeero gobarnatoorayaal ama gudoomiye dawlad goboleed.

Mudane Axmed waxa uu ku dadaalayay sidii loo heli lahaa dawlad soomaaliyeed oo dalkoo dhan hanata.dadka soomaaliyeed fikirkaa waa ku jeclaayeen soona dhaweeyeen kalsooni shacabna wuu ku helay. marka la eego xaalada jubaland waa kabadalantahay tan Puntland waayo puntland gudo ahaan waa nabad buuxda waana maamul gaamuray oo adkaaday.laakiin midkan jubaland waa curdan u baahan ilaalin iyo taxadar xoogleh iyo dulqaad xaga gudi hiisa,tanoo jirtana uuma haboona in ay cidna colaysato,waxaana waajib gaara ku ah in ay u dhawaato dawlada fadaraalka ah ee soomaaliyeed.

ARIMAHA DIBADA DALKEENA SOOMAALIYA

Punland iyo Jubaland xaq bay u leeyihiin in ay helaan hormar iyo dhaqaale oo ay ka helaan dalal dibada ah iyo dawlada dhexe ee fadaraalka ah labadaba.Laakiin taa macnaheedu maha in dalkeenu yahay dawlado yar yaroo midiba iskeed u madaxbanaan tahay oo dalka waxay doonto ka samayn karayso sidii dawlad gaara sida jabuuti oo kale.dalku waa hal heshiisbaynu ku nahay in aynu nahay dawlad fadaraal ah oo soomaaliyeed,dawlada dhexe ayaa u idman wixii arimo dibadeed ah,shirkadii iyo dawladii damacda in ay caawiso maamulgoboleed kamid ah fadaraalka waa in ay soomaraan dawlada dhexe ee fadaraalka tani waa qaabka iyo nidaamka dawliga ah.

Sharci iskaba daa warkiis ee maba ahaba qaab dawaldeed iyo nidaam,in maamul goboleedyadu arimaha dibada ku milmaan oo feer ordaan dawladii dhexe ee fadaraalka ee ay kamidka ahaayeen.Tani waxay dhashay in maamul goboleedyadii fara galiyaan go aankii dawladooda oo ay u diidaan ama inkiraanba mawqifkii dhex dhexaadnimo ee dawlada soomaaliyeed ka gaartay khilaafkii dawladaha khaliijka.

Waxay kudoodeen in dawlada Emaraatku saxan tahay,sidaa daraadeed ay iyagu raacsan yihiin Emaraatka!! fikirkoodu waa sax laakiin meel khaldan bay taagan yihiin,maxaayeelay iyagu way fiicnaan lahayd in ay yihiin dawalda dhexe ee fadaraalka ee soomaaliyeed madaxii hogaaminaayay,nasiib daro maha! iyagu waa uun maamul goboleed madaxdood. hadaad fikirkooda sii raacdo iyagu waxay ku doodaan sidaa oo ay tahayba,in soomaaliya ay tahay fadaraal iyo in nidaamka fadaraalka la xajisto,waxayna shaki ka qabaan in ay jiraan dad diidan fadaraalka.

Hadaba isma arkaan iyagu in ay ka horyimaadeen habkii iyo niadaamkii fadaraalka ee inoo dagsan.shaqadii dawladii dhexe ee fadaraalka ayay iska maamulanayaan oo ganafkay ku dhufteen fadaraalba hadana waa udoodayaan,waa duul iyagu is duqaynaya oo iska hor imanaya? Ninkii siyaasada ku asqoobayoow maha in aad marka horaba soo doonato.

JUBALAND IYO PUNTLAND MASHAARIIC HORMARINEED OO SHACABKAA EMAARAD U QABTAY MEEL KU SHEEGA?

Labada madaxwayne,waxay inbadan ku celceliyeen in Emaaraad mashaariic waaweyn ka hirgaliyay dagaanadooda oo shacabka wax tareen kana saareen baahidii ay qabeen.uugu horayn horta riziqa Allaah ayaa bixiyoo walwal kama qabno in aan gaajo u dhimano oo illaahay caasiyimayno kalsoonina waa ku qabnaa buuxda. dhul hodan ahna Allaah waa nasiiyay oo waa dhaqanahay.Emaraat markaan dawlada ahayn iyagu maba ahayn dawlad,hasa yeeshee laba arimood waxaan ahayn Emaraad makeenin Jubaland iyo PUNTLAND.

Ugu horayn waxan oganahay in Emaraad dano siyaasadeed iyo dhaqaale usoo doontay Soomaaliya.labada arimood hadaan usoo noqdo waa kuwan.

1.Punaland waxa uu ka qortay ciidan wiilal yar yaroo soomaaliyeed,maamulka uma cada xog rasmi ahna kama hayaan waxa uu u baal maray Emaraad in uu ciidamada jira ee puntland caawiyo una dhamaystiro wixii ka dhaman,inta uu qoranayo ciidamo cusub! haduuse qoranayo waa maxay hadafku? yaa loo diyaariyay in ay la dagaalamaan? ileen waxaan ognahay in ay san haynin difaac iyo dan puntland ee? Madaxdeenu boorsaday ku facnoqdeen siyaasadana maba daneeyaan.majiro nin puntland jooga madax iyo minjo oo dhab u garan kara sababta shisheeye u yimid dalkeena oo u qortay ciidan uu inagu dhex samaystay oo ah wiilasheenii.

2.SHIRKADA DP WORL oo puntland utimid inay ka hesho dhaqaale iyadu oo ah faaiido doon,laakiin Maamulka puntland iyo madaxwaynuhu fasiraadkale saareen ah marin habaabin ah way ina caawinayaan! Ganaacsi iyo caawimaad waa laba kala fog cidii wax kasaysaa.Dp world waxay leedahay hadaf siyaaso oo dawlada emaraadku ka danbayso iyo mid shirkada ah oo ganaacsi kadib markay hubsadeen in 2021 ay dumayso dakada dubai port,maadama GWADER laga furayo meel kasoo horjeeda Oman,dakada uugu wayn caalamka.halkaasoo laga daabulayo badeecada usocota soomaaliya iyo afrikaba,Dp world waxay rabtaa in ay dilaasho oo sii qabsadaan dakada soomaaliya oo ah iridii laga galaayay afrika.

Markaa waxay uugu sheekeeyeen somaliland iyo punland waa idin caawinaynaa dakadaan idiin dhisaynaa.arimahaas oo hada fashilmay oo lafahmay.sida jabuuti oo iska cayrisay.

Hadaba Emaraadku labada arimood oo dantiisa ah ayuu kasameeyay puntland wax dan ah oo reer puntland uugu jira iyo wax kasoo gaarayaa majiro balse badalkeeda waa wax yeelayn mustaqbalka dalkeena.Hadaba ma oran karaynaa madaxwaynaha puntland uroonaanta iyo waxtarka Emaraadku taray puntland waxa uu ku khaldayaa xaqul qalamkiisii isaga hoos loo siiyay!! dabcan waa intaa uun dhawaaqa ah Emaraad waa nacaawiyeen.wax haba yaraatee ay tareen puntland EMAARAADKU MAJIRAAN ha cadeeyo madaxwayne dr gaas.

JUBALAND EMARAAD MASHAARIIC UU KA HIRGALIYAY MAHAYNO

Sida Puntland si lamid ah waxa uu siiyay xoogaa gawaari ah oo cabdi bilayaal ah jubaland taasoo uu siiyay gobolada oo dhan, sidaa dr gaas madax wayne axmed madoobe waxaan is leeyahay waa loo roonaaday isaga.laakiin wax shacabka jubaland loo qabtay oo dawlada Emaraadku u qabtay ma jiraan.

Labada madaxweyne Axmed iyo Gaas shacabka wixii loogu dhiibay ee EMARAADKU CAAWIYAY mahaynee maxaad u leexsateen waa in aad keentaan caawimaadaas laydiinku dhiibay shacabka,hadii kale waxkalaan idinka fahmaynaa.hadaydaan shacabka wixii laydinku dhiibay gaarsiinayn sideed uugu eedaysaan dawlada fadaraalka wixii naloogu dhiibay nama siiso?

     DAWLADA FADARAALKA WAXAAN LEEYAHAY

Meel wanaagsan ayaad wax marinaysaan,muda yar ayaad ku gaarteen hormar wayn iyo wax qabad soomaaliya dal iyo dibadba laga dareemay loona riyaaqay.wanaag baad wadaan iyo in dalkeena aad samata bixisaan,shacabka soomaaliyeedna waa idin taageersan yahay,halkaa kasii wada.hadaba si dawladnimadeena soomaaliya usii wanaagsanaato una hana qaado way haboon tahay in aan laydin tuhmin dhanka dawlad ama maamul goboleedyada hoos yimaada dawlada dhexe ee fadaraalka oo ah in MOGDISHO aan wax uuga soo socon safarkii yimid.soo dhaweeye oo ku dadaala in si dhaw aad uwada shaqaysaan si mugdiba aanu idiin soo dhex galin maadaama uu jiro cadaw soomaaliyeed oo dadkeenii kala qaybinaya iskuna dilaya.u jedkaygu waa laban laaba dadaalkiina waa na cadahay in aad gulaysanaysaan.

MAAMUL GOBOLEED YADA WAXAAN LEEYAHAY

Kudayda dawlada fadaraalka ah,ogaadana doorkiina illaaliyana xuquuqda dawlada dhexe ee fadaraalka ah.ku dadaala in aad qayb ka noqotaan firfircoon taaba galinta iyo taakulaynta dawlad soomaaliyeed oo hana qaada oo dalkoo dhan hanata.waa in aad ka kortaan afkaar gaaban oo kasokaysa qaranimo iyo dawladnimo soomaaliyeed. dad wada shaqeeyaa waa is qabtaa laakiin siyaasadu maha in idaacadaha aad la soo istaagtaan wixii aad madaxdiina miiska iyo xafiisyada ku dhamaysan lahaydeen tani waa fadhiidnimo siyaasadeed. Anshaxa iyo edaabta siyaasadeed iyo dublamaasiyadeed waa mid aad ku baal marteen,waana fulaynimo marka si kale loo eego.EMARAADKU haduu idinku qasbay waxaad idaacadaha ka sheegteen taas masheegin oo heshiisku sidaa ahaa!!

Qofkastoo soomaaliya maanta waxaa laga rabaa in uu utanaasulo dadkiisa iyo dalkiisa maxaayeelay waad aragtaan halkaynu kusugnahay mudo nusqarni ah.waa in la fakaraa.wadashaqayn ayaa larabaa buuxda.

 

W/Q Yuusuf Cumar

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com