HomeUncategorized

Amal Gaalkacyo oo yeelatay maamul cusub, (Sawirro).

Gaalkacyo, Jan, 05- Waxaa maanta oo sabtiya magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad maamulaha qaybta gobolka Mudug loogu dooranayay, ka dib markii daba-yaaqadii sanadkii hore uu geeriyooday AUN Sh Cali Faarax Nuur Shir.

DHEGEYSO-Barnaamijka Saaka iyo Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.
M/weyne Shariif oo shir jaraa?id ku qabtay Muqdisho, kana warbixiyey kulankii uu la yeeshay Hillary Clinton. [Akhris …]
Boqor Burhaan oo Soomaalida ugu baaqay in ay dhammaystiraan inta ka dhiman Airport-ka Boossaaso

Gaalkacyo, Jan, 05- Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad maamulaha qaybta gobolka Mudug loogu dooranayay, ka dib markii daba-yaaqadii sanadkii hore uu geeriyooday AUN Sh Cali Faarax Nuur Shir.


Munaasabadda xilka loogu dhiibayay C/shakuur Xirsi Qureex waxaa ka soo qayb galay maamulka guud ee qaybaha Amal, Isimmo,maamulka gobolka,ganacsato iyo marti sharaf fara badan oo lagu casumay.


Ugu horayn waxaa munaasabadda ka hadlay kana taariikheeyay marxaladihii iyo aasaaskii afarta qaybood ee Amal maamulaha guud ee Amal Cabdi Daahir Cali Xirsi, Daahir ayaa xusay in Amal la furay sanadkii 1997dii lagana furay magaalada Nairobi, maamulaha ayaa dhinaca kale macaamiisha u balan qaaday inay ka taxa darayaan hantidooda isla markaana uu ka codsaday inay ku kalsoonaadaan, Sidoo kale waxaa isaguna hadalo kooban halkaasi ka jeediyay maamulaha qaybta xawaaladda C/laahi Axmed Nuur.


Maamulaha cusub ee Amal Gaalkacyo C/shakuur Xirsi Qureex ayaa ka soo qayb galayaashii munaasabadda ka dalbaday inay marka hore eebe oga baryaan maamulihii hore AUN Cali Faarax inuu janadiisii ka waraabiyo, Qureex ayaa sheegay inaysan hoos u dhici doonaan Amal inta uu maamulka hayo, balse isbadalka uu noqon doono mid noqda hiigsiga hamiga hormarineed ee shirkadda.


Isimaddii ka qayb galay munaasabaddaasi ayaa iyaguna kulanka ka jeediyay hadalo ku saabsan dhiiri galin iyo dardaaran ku socda madaxda Amal, waxaana ku horeeyay Garaad Maxamed Cilmi Shirwac, garaad Shirwac ayaa ku booriyay masuuliyiinta shirkadda inay? caawiyaan dadka liita, Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise ayaa isaguna wuxuu dardaaran u soo jeediyay masuuliyinta laamaha iyo kan guud kaasoo ku aadan inay ka qayb qaataan danaha caamkaa.

Jamaalu diin Cawke oo dhanka macaamiisha u hadlay ayaa maamulayaasha Amal ku booriyay inay halkeedii ka sii wadan tabarucaadii uu dadka masaakiinta u fidin jiray Sh Cali Faarax maamulihii hore, ugu danbayntii gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa isaguna ka hadlay waxyaabaha looga baahan yahay inay ka qayb qaadato, gudoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay inay Amal ka qayb qaadato dhismaha laga wado waddooyinka gobolka qaarkood.


Munaasabadda maanta ay qabatay Amal ayaa timid ka dib markii uu horay u geeriyooday Sh Cali Faarax, taasoo keentay in booskiisa loo magacaabo masuul kale, munaasabadaasi waxaa ka qayb galay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Diiwaanka Wararka daljir

(S)

Daawo Sawirada.

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

Maamulaha guud ee Amal Cabdi Daahir Cali Xirsi

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac

\"\"

Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise

\"\"

\"\"

\"\"
?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: