Alshabaab oo weraar ka geeystay Kenya

HomeWararka

Alshabaab oo weraar ka geeystay Kenya

Wararka laga helayo Magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab weerareen Saldhig ay ku sugna yihii

Puntland oo laba kun iyo afar boqol ka mid ah ciidamadeeda daraawiishta wareejisay (dhegayso)
BIDAARTII IYO TIMAHA DAATA OO XAL LOO HELAY (daawo)
MAANHADAL: Dib u dhaca Doorashadda Soomaaliya (dhegayso)

Wararka laga helayo Magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab weerareen Saldhig ay ku sugna yihiin Ciidamada Booliska Kenya, kaas oo ku yaalla duleedka Magaaladaas.

Weerarkaas oo dhacay saacado kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Bas ay saarnaayeen dad rayid ah oo ka baxay Magaalada Mandheera kuna sii jeeday Magaalada Nairobi, weerarkaas oo uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah.

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Booliska Kenya & Xubnaha weerarka fuliyay ee ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacay Saldhiga la weeraray oo ku yaalla deegaanka 50-ka ee hoostaga degmada Qorof Xaraar ee Magaalada Wajeer.

Dadka degaankla uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa ay bilaabeen qaarkood inay barakacaan, waxaana warbaahinta ay u sheegeen inay dareemeen cabsi ku aadan inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas waxaa ay sheegeen inay khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada booliska Kenya oo ay ku weerareen saldhiga Ciidan oo ku yaalla duleedka Magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0