Puntland oo laba kun iyo afar boqol ka mid ah ciidamadeeda daraawiishta wareejisay (dhegayso)

Puntland oo laba kun iyo afar boqol ka mid ah ciidamadeeda daraawiishta wareejisay (dhegayso)

Dowladda Puntland ayaa ku wareejisay dowladda faderaalka ee Soomaaliya laba kun iyo afar boqol oo ciidamo oo katirsan daraawiishta Puntland, taasi oo qayb ka ah heshiiskii madaxda qaranka ay ku gaareen magaalada Muqdisho ee isku dhafka ciidamada iyo min sadex kun oo askari oo ay dowlad goboleedyada ku biirinayaan ciidamada qaranka ee Soomaaliya.

Munaasabadda lagu wareejinayay ciidamadan oo kadhacday magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qaybgalay madaxwayne kuxigeenka ahna kusimaha madaxwaynaha Puntland Cabdixakiim Camey, wasiir kuxigeenka gaashaandhigga Soomaaliya iyo saraakiil kale duwan.

Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa ahaa ciidamada kaliya ay dowladda Puntland ay bixin jirtay mushaarkooda ee ka qaybbqaata difaaca dhulka Puntland iyo la dagaalanka Al-shabaab,  marka laga yimaado ciidamada booliska iyo asluubta.

 

Wasiir kuxigeenka gaashaandigga ayaa sidoo kale joogay madasha oo ciidamadan si toos ah lagu wareejiyay.

Hoos kadhegayso madaxwayne kuxixgeenka Puntland oo kahadlaya

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com