Alshabaab oo weerartay fariisimo ay ciidamada dowlada ku leeyihiin Aw-dheegle

HomeWararka

Alshabaab oo weerartay fariisimo ay ciidamada dowlada ku leeyihiin Aw-dheegle

Dagaalamayaasha AlShabaab ayaa xalay weerar ku bilowday madaafiic ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Aw-dheegle ee gobolk

Madaxwayne Xaaf” Uma dulqaadanayo faragalinta dowladda”
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Bangiga Adduunka oo Soomaaliya ku taageeraya 100 malyan oo doolar

Dagaalamayaasha AlShabaab ayaa xalay weerar ku bilowday madaafiic ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose.

Dagaal dhex maray ciidamada dowlada iyo kuwa Al-Shabaab oo la sheegay inuu socday muddo saacad ah ayaa geystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Hase yeeshee khasaaraha dagaalka ka dhashay ayaan la ogeyn iyadoo dagaalka uu ahaa mid hub xoog leh la isu adeegsaday.

Saraakiil ka tiran milateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ay sika difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dowladda Soomaaliya iyo Al shabaab ayaan ka hadlin weerarka Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Aw-dheegle oo ay saldhigyo ku leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: