Madaxwayne Xaaf” Uma dulqaadanayo faragalinta dowladda”

Madaxwayne Xaaf” Uma dulqaadanayo faragalinta dowladda”

Madaxwaynaha Galmudug ayaa ku’ eedeeyey madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha dowladda faderaalka Soomaaliya inay faragalin ku hayaan maamulkiisa Galmudug.

Eeedaynta ayaa timid kadib markii madaxda Galmudug ay siwayn uga horyimaadeen warsaxaafadeed madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu ku taageeray isbahaysiga Sacuudiga ee go’doonka geliyay dowladda Qadar, madaxwayne kuxigeenka Galmudug, guddoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa ayaa ku tilmaamay go’aanka Xaaf inuu yahay mid aan ka tarjumeen aragtiga Galmudug, iyagoona dhanka kalle taageeray kaalinta dhexdhexaadnimo oo ay dowladda dhexe ka qaadatay khilaafka dowladaha Khaliijka.

War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta, ayaa u qornaa sidan:-

Dawlad Goboleedka Galmudug waxay mar kale ku celinaysa mowqifkeeda ku aadan go’aanka ay ka qaadatay khilaafka dawladaha Khaliijka u dhaxeeya.

Dastuurka ku meelgaarka ah qodobkiisa 53 aad wuxuu dhigayaa in
1. Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.
2. Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawlad- goboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.
3. Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeedana ka muuqtaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

Dawlada Federaalka ah kuma salayn go’aanka ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka xiriirka soo jireenka ah iyo danta joogtada ah ee kala dhaxaysa Dawladaha Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn. Taa bedelkeeda waxay ka doorbiday in ay taageerto Dawlada Qatar oo taageerta kooxaha aragagexisada ah, iyadoo loogu aabul naqayo qarashkii ay ku bixisay doorashada Madaxweyne Farmaajo ee uu garwadeenka ka ahaa Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha Mudane Fahad Yaasiin. Waxaana go’aanka u qaadanay in aan ilaalino xiriika Istiraatiiji iyo kan diblomaasiyadeed, danaha Ganacsi iyo kan Diineed ee Soomaaliya kala dhexeeya dawladaha afarta ah.

Waxaan uga digaynaa Dawlada Federaalka faragelinta qaawan ee ay ku hayaan maamulka Galmudug. Waxaa wax laga xumaada ah in ay Galmudugu la soo dhexgalaan kala qoqobid iyo caadifad qabiil. Galmudug uma dulqaadan doonto faragelinta iyo dhiilada qabiil ee ay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu horay ugula kaceen Hirshabelle.

Waxaan ugu baaqaynaa Siyaasiyiinta, Odyaasha, Waxgaradka, Aqoon yahanka, Ganacsatada, iyo Culimada kasoo jeeda Galmudug in ay meel uga soo wada jeestaan si wadajir ahna uga hortagaan daandaansiga iyo dhiilada lagu hayo Shacabka Iyo Dawlad Goboleedka Galmudug.

Dhamaad

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com