Bangiga Adduunka oo Soomaaliya ku taageeraya 100 malyan oo doolar

HomeWararka

Bangiga Adduunka oo Soomaaliya ku taageeraya 100 malyan oo doolar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensso

KORNEEL QALOONBI: “FARMAAJO AYAA SOO ABAABULAY GOLAHA BADBAADADA MAAKHIR EE LOOGA DHAWAAQAY SANAAG”
MAANHADAL: DAAH FURNAAN LA’AANTA DOORASHOOYINKA, CAQABDAHA IYO WAXA KA IMAAN KARA | dhegayso -daawo)
Qaramada Midoobey, “Shaqo La’aantu Waa Dhibka Dhalinyarada Soomaaliyeed Haysta”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson ayaa kala hadlay xoojinta wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marwo Kristina Svensson ayaa tilmaantay in Bangiga Adduunka uu dowladda Soomaaliya ku taageerayo 100 malyan oo doolar 12-ka bilood ee soo socda, si wax looga qabto qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda, iyadoo ku ammaantay Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad u siineyso kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhallinyarada, waxa uuna Bangiga Adduunka ugu baaqay in kala shaqeynayo Dowladda casriyeynta hannaanka shaqada iyo adeegyada dowladda Federaalka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: