ALSHABAAB OO WEERARAY SALDHIYO CIIDAMADA DAWLADDA FEDERAALKU AY KU LEEYIHIIN GALGADUUD.

ALSHABAAB OO WEERARAY SALDHIYO CIIDAMADA DAWLADDA FEDERAALKU AY KU LEEYIHIIN GALGADUUD.

Alshabaab ayaa weerar qaraxyo ah oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa lagu soo raxay iyo dad is qarxiyeyba, waxay ku qaadday saldhigyo ciidamada millarariga dawladda federaalka ee Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Galgaduud.
Saldhigyada ciidan ee AlshabaabKU weeraray ayaa ku yaallay deegaanka Budbud oo hoostaga Galcad oo gobolka Galgadiid ah sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin maamulka Galmudug ah.
Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, waxaase la tilmaamayaa dagaal xooggan in uu dhacay weerarka qaraxyada kadib, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Millatariga Soomaaliya ayaa sheegay weerarkaasi Alshabaabku in ay ku jabeen, ayna ku hungoobeen damacoodii weerar, khasare lixaadlehna ay la kulmeen, balse war midkaasi ka duwan waxaa sheegay Alshabaab oo tilmaamay in ay ku guulaysteen weerarkooda, laayeenna askar dawladda ah, hub iyo rasaasna qabsadeen.
Ma jiraan illaa hadda warar ka madaxbannaan sheegashada labada dhinac, maadaama ay go’an tahay isgaarsiintii deegaanka ay wax ka dhaceen.
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa in muddo ah dagaallo ka waday gobollada Hiiraan, Galgaduud, shabeellaha dhexe iyo deegaanno kale oo koonfurta ah, kuwaasi oo Alshababku ay ku xoogganaayeen.
Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com