Alshabaab oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

HomeWararka

Alshabaab oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Rag hubaysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ku qaaday gelinkii hore ee maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, siiba xerada Afisyoone o

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Waraysi: Saameynta roobki xalay ka da’ay Gaalkacyo & duqa degmadda oo Daljir la hadlay

Rag hubaysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ku qaaday gelinkii hore ee maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, siiba xerada Afisyoone oo ku dheggan garoonka.

Weerarkaasi Alshabaab oo muddo socday waxaa ku dhintay askar dawladda ah, kuwana waa ku dhaawacmeen, waxaana ku jira dadka dhaawacmay taliye kuxigeenka saldhigga booliska ee garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde.

Dwwladdu waxay sheegtay in ragga weeraray xerada Afisyoone ee garoonka ka tirsan ay ahaayeen 2 labo nin oo kaliya, lagana hortagay damacoodii weerar, hase ahaatee warar ka madaxbannaan dawladda ayaa sheegaya tiradoodu in ay inta dawladdu sheegtay ka badnayd, weerarkuna uu ahaa mid xooggan.

Waxaa la arkayey xayntaabka garoonka oo uuro iyo qiiq ay cirka isku shareereen, balse faahfaahin lagama helin waxay ahayd. Wararku waxay intaas ku darayaan ragga weerarka geystay in ay ku soo labbisteen dirayska ciidamada, ayna wateen kaarar aqoonsi oo ciidamada ah.

Shaqadii garoonka ayaa istaagtay, iyadoo diyaaradihii gobollada iyo kuwii dibeddaba la hakiyey, maadaama meesha weerarku dhacay ay ka tirsanayd garoonka, adna ugu dhaweyd dhabbayaasha diyaaradaha.

Garoonka diyaaradaha ayaa ka mid ah meelaha ugu ammaansan dalka, aadna loo illaaliyo nabadgalyadiisa, waxaana badan xiran waddooyinka laga soo galo garoonka oo ay waardiyeyso AMISOM.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: