Cabdirisaaq Cabdillaahi Ciid oo ku guulaystay HOP 063.

Cabdirisaaq Cabdillaahi Ciid oo ku guulaystay HOP 063.

Doorashada kursiga HOP 063 ee Belwdweyn waxay ahayd doorashadii ugu adkayd ee dhacda tan iyo markii ay bilaabatay doorashada golaha shacabka ee Soomaaliya oo haatan heer gabogabo ah maraysa.

Kursiga HOP 063, waxaa u tarmay 9 musharrax oo galay loolan xooggan oo hanada kursigaasi ku saabsan, waxaana wareeggii koowaadba ku haray  7 musharrax oo codad kooban helay, uuna ku jiray wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdillaahi Goodax Barre, horayna isla kursigaasi ugu fadhiyey.

Wareegga labaad ee tartankaasi doorasho waxaa ku baratamay Maxamed Daahir Xaaji oo helay 32 cod iyo Cabdirisaaq Cabdillaahi Ciid oo helay 20 cod, waxaana wareeggaasi labaadna ay keeneen tiro is le’eg oo ah min 50 cod, taasoo keentay in la aado wareegga saddexaad ee lagu kala adkaaday.

Aakhirkiina wareeggaasi ugu dambeeyey Maxamed Daahir Xaaji wuxuu helay 44 halka Cabdirisaaq Cabdillaahi Ciid na uu helay 56, hal codna waa xumaaday  taasoo muujinaysa in uu hanashada kursigaasi ee helay Cabdirisaaq Cabdillaahi Ciid.

Doorashadaan, inkastoo sida aan tilmaannay ay tahay middii ugu adkayd ee doorashooyinkii dhacayey, haddana waxaa la dhihi karaa wuxuu ahaa loolan u dhaxeeyey labo aragtiyood oo is diidan, taasoo midi tahay doonista Villa Soomaaliya oo riixaysay Maxamed Daahir Xaaji  oo ay dhalyo hooyo wadayihiin madaxweynaha koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen, iyo midda labaad oo ahayd aragti middaasi ka soo horjeedda oo xagga mucaaradka ah, taasoo ku xoog roonaatay loolanka kursigaas.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com