Alshabaab oo saaka dab qabadsiiyay guryo dad shacab ah leeyahay oo ku yaal Deegaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug

Alshabaab oo saaka dab qabadsiiyay guryo dad shacab ah leeyahay oo ku yaal Deegaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug

Maleyshiyaadka Kooxda Khawaarijta ayaa saaka dab qabadsiiyay guryo dad shacab ah leeyahay Deegaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug

Ujeedka khawaarijta ay u arintaa ka leedahay ayaa ah inay iska horkeento bulshada deegaankaas.

Maamulka Magaalada Baxdo ee Gobolka Galgaduud iyo Saraakiisha Booliska ayaa gaaray deegaanka si ay usoo arkaan dhibka Khawaarijtu ka geysatay.

Guddoomiye kuxigeenka Magaalada Baxdo iyo Saraakiisha Booliska Baxdo iyo degaanka Bijeele oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in u jeedka ay khawaarijtu gubeen guryaha degaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug ay tahay sidii ay bulshada isaga horkeeni lahaayeen.

Waxa ay intaa hadlkooda ku dareen in maleeshiyo Beeleedyo ay soo abaabuleen argagixisada ay ka dambeeyeen gubida Guryaha, isla markaana, ay doonayaan inay ku hagal daaciyaan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda dalka.

Khawaarijta arxanka daran ayaa markii looga itaal roonaaday dagaalada ka socoda guud ahaan gobolada dalka waxa ay isku dayayaan in ay iska horkenaan bulshada wada dagta degaannada gobolada Mudug iyo Galgaduud,mana ahan markii ugu horeysay ay khawaarijtu gubto guryo iyo waliba Ceelashii ay Biyaha ka cabi jireen dadka rer guraaga ah, waana qeyb kamid ah ficillada guracan ee lagu yaqaan khawaarijta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com