Al-shabaab oo weerar xoogan ku qaaday saldhigii ciidamada dowladda ee ku yaalay Awdheegle

Al-shabaab oo weerar xoogan ku qaaday saldhigii ciidamada dowladda  ee ku yaalay Awdheegle

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose,kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Degmada Awdheegle,waxaana uu ka dambeeyay kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin halkaas.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in dagaalkaas uu ahaa mid Culus,isla markaana Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhiga Ciidanka dowladda ee Awdheegle,waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalka,hayeshee si rasmi ah looma shaacin inta uu la egyahay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com