Al-shabaab oo wali  ka dhex dagaalamaysa Hotel Maka Al-Mukarama

HomeWararka

Al-shabaab oo wali ka dhex dagaalamaysa Hotel Maka Al-Mukarama

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa wali ku dhex dagaalamaya gudaha Hotel Maka al Mukarama .

Madaxda Sare ee Galmudug oo la Kulmay Xildhibaanada Aqalka Sare (Sawiro)
Ergeyga arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaliya
Roob si wayn loogu qaboowsaday oo xalay ka da’ay gobolka Bari (sawiro)

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa wali ku dhex dagaalamaya gudaha Hotel Maka al Mukarama .

 

Howlgalka Hotelka ayaa qaatay mudo ka badan 16 sacaadood waxaan jira wali koox dableey ah oo ka dhex dagaalamaysa dhismaha gudihiisa .

 

Qaraxii xalay ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama waxa uu sababay dhimashada 30 qof oo shacab ah halka dhaawacana uu ka badan yahay ilaa iyo 40 qof .

Qaraxan oo ahaa midkii ugu xooga badnaa marka laga reebo qaraxii Zoobe ayaa waxa uu bur buriyay dhamaan guryihii iyo goobihii ganacsi ee ka agdhawaa Hotel Hotelka Maka Al-Mukarama.

 

Al-shabaab iyo dowladda Soomaaliya ilaa iyo haatan kama aysan hadlin weerarkii xalay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: