Roob si wayn loogu qaboowsaday oo xalay ka da’ay gobolka Bari (sawiro)

Roob siwayn loogu qabowsaday ayaa xalay ku hooray deegaamo badan oo katirsan gobolka Bari.

Meelaha roobka wayn helay ayaa waxaa ka mid ah Ufayn, Iskushuban, Carmo iyo dooxada Dharoor ee xoolla daaqeenka ah.

Abaar muddooyinkii u dambeeyey kajiray deegaamo badan oo gobolka Bari katirsan, iyadoo biyaha oo ah waxa nolosha ugu muhiimsan ay ahaayeen qaali, halka biyo yari darana ay jirtay.

Balse roobabka curtay ee raxamaadka Eebbe, ilaahay Mahaddiise, majirto qorshe dadku ay horay u samaysteen inay biyaha ku qabtaan ama dowladda, si xiliga jiilaalka loogu haraad gooyo xoolaha iyo dadka, waxaana biyahan oo toggga siwayn uga soo burqanaya ay kusii qulqulayaan badda, iyagoo aan laga faa’idaysan.

 

Sawirada hoose waa Carmo, Dooxada Dharoor iyo Ceeldaahir.

 

 



Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com