Site icon Radio Daljir

Al-shabaab oo wali ka dhex dagaalamaysa Hotel Maka Al-Mukarama

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa wali ku dhex dagaalamaya gudaha Hotel Maka al Mukarama .

 

Howlgalka Hotelka ayaa qaatay mudo ka badan 16 sacaadood waxaan jira wali koox dableey ah oo ka dhex dagaalamaysa dhismaha gudihiisa .

 

Qaraxii xalay ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama waxa uu sababay dhimashada 30 qof oo shacab ah halka dhaawacana uu ka badan yahay ilaa iyo 40 qof .

Qaraxan oo ahaa midkii ugu xooga badnaa marka laga reebo qaraxii Zoobe ayaa waxa uu bur buriyay dhamaan guryihii iyo goobihii ganacsi ee ka agdhawaa Hotel Hotelka Maka Al-Mukarama.

 

Al-shabaab iyo dowladda Soomaaliya ilaa iyo haatan kama aysan hadlin weerarkii xalay.

Exit mobile version