Al-shabaab oo gudoomiye cusub u soo magacowday  gobolka Banaadir

HomeWararka

Al-shabaab oo gudoomiye cusub u soo magacowday gobolka Banaadir

Kooxda Al-shabaab ayaa guddoomiye cusub u soo magacowday gobolka Banaadir kadib markii duqeyn lagu dilay mas’uulkii hore ugu qaabilsanaa magaalada Mu

Xulashada Daljir & Cabdinaasir Jeekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Guddoomiyaha Goldogob oo kahadlay xilka qaadis lagu sameeyey (dhegayso)
Taliye Muxiyadiin: ”Lama kirayn karo guri Bosaso iyadoon Dowladda Hoose la ogeysiin” (dhegays | daawo)

Kooxda Al-shabaab ayaa guddoomiye cusub u soo magacowday gobolka Banaadir kadib markii duqeyn lagu dilay mas’uulkii hore ugu qaabilsanaa magaalada Muqdisho.

Ninka xilkan loo magacaabay ayaa lagu magaca Daahir Macallin Salaad oo sida la sheegayo hore uga tirsanaa waaxda Sirdoonka ee Al-shabaab.

Guddoomiyihi hore Al-shabaab u qaabilsanaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo ku magac dheeraa (Cali Jabal) ayaa la sheegay in duqeyn lagu dilay sannadkii 2017.

Al-shabaab ayaa laga saaray magaalada Muqdisho sannadkii 2011-kii balse waxay weli ka fuliyaan dilal qorshaysan iyo qaraxyo ay ku dhinteen dad badan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: