Wararkii ugu dambeeyay iyo xaalada aagga Ceel Afweyn, Sanaag

Wararkii ugu dambeeyay iyo xaalada aagga Ceel Afweyn, Sanaag

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhimatay, halka 40 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dagaal labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dhexmaray laba malayshiya-beeleed deegaano hoosyimaada degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Dad badan oo xoolo dhaqato ah ayaa ka barakacay deegaanadii shalay illaa iyo xalay lagu dagaalamay, waxaana socda dadaalo lagu qaboojinayo colaadda u dhaxeyasa labada beelood ee halkaas ku dagaalamaya.

Goobjoogayaal ayaa Radio Daljir u xaqiijiyey in dagaalku uu sii xoogeystay kaddib markii uu gurmad soo gaaray labada beelood ee dagaalku u dhexeeyo, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu sii socdo maadaama aysan jirin cid kala dhex gashay labada dhinac.

Dagaal beeleedka aagga Ceel Afweyn oo laga tuhmayo raadka siyaasadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa salka ku haysa siyaasad dowlo oo loo aaneynayo in ay ku saleysantahay kala eexsi, qabaa’ilada qaarkoodna ayba leeyihiin waxa ay la dirirayaan ciidamada Somaliland iyo qabaa’ilo ciidanku taageersanyahay.

Diiwaanka warka.
Raddio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Mustafa noor 5 years ago

    War heedhe siyasad dawlad.majirto eh nimikiina reer ceel afweyn (habar jeclo.iyo (habar yonis )
    Hadaano nahay dadka dega bariga ceerigaabo iyo bariga iyo koonfurta sanaag waxanu idin kula talinlahayn.
    Shaydaanka guba oo dhiiga daadanaya joojiya
    Oo bal in yar ilahayna ka baqa
    Caqlina bal ka shaqaysiiya.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com