Al-shabaab oo degmada Saakow ku toogtay shan qof oo Basaasnimo lagu eedeeyay

Al-shabaab oo degmada Saakow ku toogtay shan qof oo Basaasnimo lagu eedeeyay

kooxda Al-shabaab ayaa maanta duleedka Degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe waxa ay goob fagaaro ah ay ku toogtoon shan nin oo ay Maxkamada Al-shabaab ku soo eedeesay in ay basaas  u ahaa yeen dowladdaha Kenya, Itobiya , iyo   Soomaaliya .

Al-shabaab ayaa sheegay in ragan ay qirteen dambigii lagu soo oogay , balse marka laga yimaado sheegashada Al-shabaab mana jirto ilo ka madax banaan Maxkamadooda oo xaqiijin karta in ragan ay qirteen dambigan lagu soo oogay  .

Ragan lagu toogtay maanta degmada Saakow ayaa kala ahaa:

1-Cabdiraxmaan Xuseen Max’med
2-Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar
3-Caliyoow Jiinoow Nuur
4-Maxamed Yuunus Mad Keer
5-Cabdishakuur Xasan Xuseen.

Toogashada ragan ayaa ku soo beegmaysa xili laba maalin ka hor ay Al-shabaab degmada Jilib ee gobolka Jubada hoose ay ku tooogteen 5 ruux oo  lagu eedeyay in ay u basaasayeen sirdoonnada dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com