Akhriso: Natiijada horudhaca doorashada dalka Kenya

HomeWararka

Akhriso: Natiijada horudhaca doorashada dalka Kenya

Natiijada horudhaca ah ee doorashada madaxweynaha dalka Kenya ayaa muujisay loolan adag oo u dhexeeyay labada musharrax ee ugu waaweyn ee ku loolama

Madaxweyenaha Kenya: “Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena
Shirkii Garowe ee Madaxda Maamul Goboleedyada oo Fashilmay
Masjidka Rowda Bosaaso iyo Nadwadii Sanadlaha ahayd ee Ilxaadka Casraaniyarada

Natiijada horudhaca ah ee doorashada madaxweynaha dalka Kenya ayaa muujisay loolan adag oo u dhexeeyay labada musharrax ee ugu waaweyn ee ku loolamaya xilka madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Uhuru Kenyatta.Doorashadii Taladiidii ayaa tijaabo muhiim ah u ah xassiloonida dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika kadib markii labo ka mid ah saddexdii doorasho ee ugu dambeysay ay hareeyeen rabshado markii lagu murmay eedeymo musuqmaasuq.

Natiijooyin horudhac ah uu diyaariyay Telefishinka gaarka loo leeyahay ee Citizen subaxnimadii hore ee saaka oo Arbaco ah ayaa muujinayay in labada musharrax ee ugu cadcad doorashada ee madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ay aad iskugu dhow yihiin codadka ilaa hadda la tiriyay oo gaaraya 1.2 milyan oo cod, taasoo ka dhigeysa in ka badan 49% uu midkiiba helay

Musharaxa ku guuleysta doorashada waa inuu helaa 50% oo lagu daray hal cod (50%+1).

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: