Kenya oo ay ka socoto  tirinta codadka laga dhiibtay doorashadii shalay iyo mid maanta socota

HomeWararka

Kenya oo ay ka socoto tirinta codadka laga dhiibtay doorashadii shalay iyo mid maanta socota

Waxaa dalkan Kenya ka socota tirinta codadka laga dhiibtay doorashadii shalay dhacday iyadoo ay si weyn isugu dhaw yihiin labada musharrax ee Raila Od

Mashaaric hormarineed oo laga hirgalinayo Degmadda Bander bayla (dhegayso)
Dr Sulub oo kulan hogaaminta kusaabsan ku qabtay Bosaso (dhegayso)
Guddoomiyaha Burtinle: ” Shan kamid ah dhalinyaradii rabshadaha kicisay ayaan soo qabanay”(dhegayso)

Waxaa dalkan Kenya ka socota tirinta codadka laga dhiibtay doorashadii shalay dhacday iyadoo ay si weyn isugu dhaw yihiin labada musharrax ee Raila Odinga iyo William Ruto.

Guddiga doorashooyinka Kenya ayaa sheegay in 60% dadka isu diiwaangeliyay doorashada ay shalay codkooda dhiibteen, taasoo ah tiro hoosaysa marka loo eego doorashooyinkii hore.

Deegaanka Eldas ee ka tirsan Wajeer maanta waxaa ka dhaceysaa doorashada oo shalay u baaqatay sababo amni darro.

Korjoogayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee doorashadii shalay ka dhacday Kenya ayaa ammaanay qaabka loo maareeyay, gaar ahaan in cillad weyn aan lagala kulmin hannaanka dijitaalka ah ee lagu keydiyay xogta codbixiyayaasha.

Shacabka Kenya waxay si weyn isha ugu hayaan cidda noqon doonta Madaxweynaha xiga.

Waxaana doorashada si weyn isugu hayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka William Ruto.

Sidoo kale dadka waxay ka war sugayaan natiijada doorashada guddoomiyeyaasha gobollada iyo xildhibaanada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: