Shirkii Garowe ee Madaxda Maamul Goboleedyada oo Fashilmay

Shirkii Garowe ee Madaxda Maamul Goboleedyada oo Fashilmay

Shirkii madaxda Dowladd Goboleedyada dalka ee lagu waday in uu ka dhaco magaalada Garowe 21ka bishan, kaas oo looga arainsan lahaa arimaha doorshooyinka dalka iyo xal ka gaarista khilaafka madaxda sare ee dalka ayaa fashilmay

Shirkii Garowe uga furmilahaa Madaxda Dawlad goboleedyada 21ka bishan oo maalinta beri ah ku beegneed ayaa fashilmay, kadib heshiiskii xalay ay garaeen madaxweyne Qoorqoor iyo RW Rooble.

Dad badan ayaa shirkan u arkaayay mid ay maamul goboleeyadu ay ku doonayeen in ay ku marin habaabiyaan habsami usocodka doorshada.

Shirkan ayaa 17-kii bishan lagu shaaciyay warsaxaafadeed ka soo baxay shir aaladda Zoom ay ku yeesheen madaxda maamul-goboleedyada ayaa waxaa laga reebay Ra’iisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble, arrintaasi oo dad badan ay la xiriirinayeen go’aan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo awooddiisa fulinta looga xayuubiyay Ra’iisalwasaare Rooble.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com