Ahlusuna Waljameeca oo wada dadaal lagu heshiisiinayo beelaha Galguduud (Dhegayso)

?

Galgaduud Oct 13-Maamulka culimada Ahlusuna Waljameeca ee ka arimiya qaybo kamid ah gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa wada dadaal lagu heshiisiinayo beelaha dega gobolka Galgaduud kuwooda xurguftu dhextaalo.
?
Culimada Diinta ee Ahlusunna Waljameeca ayaa gudi u saaray in xal nabadeed laga gaadho dhamaan xurgufaha colaadeed ee ka jira degmooyin ka tirsan gobolka Galguduud, sida Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale iyo Deegaano kale oo ka tirsan Galgaduud.
?
Sh Shuuriye Maxamed Salaad oo afhayeen u ah gudiga loo xilsaaray nabadaynta gobolka ayaa Radio Daljir u sheegay in gudigu bilaabeen hawlaha loo igmaday ee nabadaynta beelaha Galgaduud.
?
Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa kamid ah beelaha inta badan ay ka dhacaan dagaalo beeleedyada soo noqnoqda kuwaasoo ka dhashay inta badan arimo la xiriira Daaqa iyo Deegaanka?
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir?
(B)
?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com