Maamulka Somaliland oo Wariyayaal ku xidhay Laascaanood (Dhegayso)

?

Laascaanood Oct 13- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo mudo sanadaha gacanta ay ku hayeen maamulka Somaliland ayaa shalay lagu xiray Wariyayaal kamid ah Warfidiyeenadda ka hawlgala Laascaanood.
?
Wariyayaasha la xiray ayaa lagu eedeeyey inay gudbiyeen ?war kusaabsan taageerada Raysal Wasaaraha cusub ee Somalia oo dhowaan ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
?
Wariyayaasha lagu Xidhay magaalada Laascaanood ayaa loogu dhacay Guryaha ay ka degan yihiin magaalada Laascaanood, Waxaa kamid ah Wariyayaasha la Xidhay Maxamed Shaqalle, Cabdikariin Olol, iyo Faysal Jaamac Aadan oo la qaatay Baabuurkiisa.
?
Maxamed Shaqalle oo kamid ah wariyayaasha la xidhay ayaa Radio Daljir u sheegay in weriayaasha la siidaayey maanta (Sabti Oct-13) kadib mudo maalin ah oo ay xabsiga kujireen.
Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee waxyeeladu kasoo gaarto weriyayaasha sida Xariga, Jirdilka, Hanjabaada IWM.
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir
(B)
?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com