Ahlu Sunna oo ku eedeysay dowlada federalka inay hub kiimiko ah u isticmaashay dagaalkii Dhuusamareeb

HomeWararka

Ahlu Sunna oo ku eedeysay dowlada federalka inay hub kiimiko ah u isticmaashay dagaalkii Dhuusamareeb

Madaxda Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo ku sugan Garowe ayaa soo saaray War-Saxaafadeed ay ku muujinayaan jiritaankooda,waxayna ku eedeeyeen

Gudoomiyaha Xaafadda Horseed Garowe Muxubo Maxamuud ayaa fariin wacyigalinan udirtay Bulshada
Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweyeey Garoowe (Sawiro)
Wasiir Xukuumadda Soomaaliya katirsan oo hortagaya Aqalka Sare

Madaxda Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo ku sugan Garowe ayaa soo saaray War-Saxaafadeed ay ku muujinayaan jiritaankooda,waxayna ku eedeeyeen dowlada federalka in dagaalkii Dhuusamareeb u adeegsadeen hubka sharci darrada iyo sunta kiimikalka.

War-Saxaafadeed ayaa lagu sheegay in intii ay ku sugnaayeen Xero Inji ee magaalada Dhuusamareeb la saarey cunaqabateyn,loona diiday in la galo xarunta lagana soo baxo.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamo ay tababareen Turkiga iyo Maraykanka loo adeegsaday,waxaana ay dowladaha loogu baaqay inay ka fiirsadaan.

Sidoo kale waxaa uu ururka Ahlu Sunna codsaday in baaritaan lagu sameeyo dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb dhamaadkii bishii hore.

Halkan Hoose ka aqriso warsaxaafadeedka.

Hoos ka dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: