Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo kulan la yeeshay bahda Garsoorka ee Koonfurgalbeed

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo kulan la yeeshay bahda Garsoorka ee Koonfurgalbeed

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta magaalada Baydhabo kulan wadatashi ah kula yeeshay bahda Garsoorka iyo garyaqaanada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Hay’adaha u xilasaaran sib-u-eegista dastuurk waxa ay warbixino u jeediyeen dhamaan bahdii garsoorka ee kasoo qayb gashay kulanka waxayna ka codsadeen in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo aruuriyaan aragtidooda oo mideeysan una soo gudbiyaan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Koonfur Galbeed oo shirka ka soo qeybgalay ayaa aad u bogaadiyay howlaha dhameeystirka dastuurka wuxuuna xusay inay sida ugu dhaqsiiyaha badan kusoo gudbin doonaan aragtidooda oo mideeysan.

Wasiirk ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr. Xussen Cabdi Cilmi oo kulanka furay ayaa si kooban u sharaxay muhiimadda hannaanka cadaaladda qaranku uleeyahay dalka iyo baahida adag ee loo qabo helida hannaan cadaalad dhamaystiran oo dalku yeesho kaasoo lagama maarmaan u ah dhameeystirka dastuurka.

“Gorsoor cadaalad ku dhisan waa kan kala saara umada una horseeda caladad , waana sababta aan shirkan u joogno maanta oo ah in lagaarsiiyo dhaman bulshada dalka gaar ahaan bulshada ree Koonfur Galbeed oo runtii ah bulsho aad u jecel in la hirgaliyo hannaan cadaalad oo dhamaystiran” ayuu yiri Wasiir Ku xigeenka.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimha Dastuurka ee Koonfur Galbeed oo isna kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay la kunlanka bahda Garsoorka maadama ay yihiin xeel dheerayaashii shuruucda ee dowlada Goboleedka koonfur galbeed.

Ugu dambayn, hay’adaha u xilsaaran qabyo tirka dastuurka iyo Garsoorka Koonfur Galbeed ayaa ku ballamay in la xoojiyo wadashqeynta iyo is dhaafsiga talooyinka si sharciyaqaanada Koonfur Galbeed ay ugu sahlanaaato ka qeybqaadashada dhameeytirka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com