Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Qaranka somaaliaya ayaa kulan la qaatay Shaqaalaha Madaxtooyada

HomeWararka

Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Qaranka somaaliaya ayaa kulan la qaatay Shaqaalaha Madaxtooyada

Agaasime Ku-Xigeenka Guud ee Madaxdooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo kulan isbarasho ah la qaatay shaq

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo qaabilay duqa cusub ee dhuusamareeb
Ururada bulshada rayidka ee Puntland oo talo jeedin kasoo saaray magacaabista guddiga doorashooyinka Puntland (dhegayso)
Maalgashiga Imaaraadku (UAE) ma “Dibiga Doollood dhegihiisu wax san way maqlaan indhihiisu se ma arkaan” miyaa?

Agaasime Ku-Xigeenka Guud ee Madaxdooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo kulan isbarasho ah la qaatay shaqaalaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay qorsheyaasha hortebinta u leh Madaxtooyada qaranka.

Agaasime Maxamed Amiin ayaa xusay in guud ahaan shaqaalaha dowladdu ay yihiin adeegeyaal qaran, oo aan lagu beegsan doonin arrimo siyaasadeed, waxa uuna ku adkeeyey shaqaalaha Madaxtooyada in ay waajibaadkooda shaqo u gutaan si habsami leh oo waafaqsan shuruucda shaqaalaha dowladda.

“Siyaasadda guud ee Madaxweynaha iyo tan Agaasinka Cusub waxa ay ku qotontaa aragtida guud ee ah Soomaali Heshiis ah Dunida heshiis la ah, taas oo aan rabno in ay ka hirgasho meesha ugu hooseysa ilaa meesha ugu sarreysa ee dowladnimadeenna. Howl-wadeen walba waxaa lagu qiimayn doonaa, lagu na dallacsiin doonaa dadaalka iyo waxqabadkiisa shaqo.”

Dhankooda, Agaasime Waaxeedyada iyo howl-wadeennada kala duwan ee Madaxtooyada Qaranka oo soo dhaweyey Agaasinka Cusub ee Madaxtooyada ayaa la wadaagay warbixinno ku aaddan howlahooda shaqo ee Madaxtooyada Dalka.

Ugu dambayn, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa kula dardaarmay shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka sii wadidda iyo dardar gelinta shaqada ay qaranka u hayaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: