Ururada bulshada rayidka ee Puntland oo talo jeedin kasoo saaray magacaabista guddiga doorashooyinka Puntland (dhegayso)

Ururada bulshada rayidka ee Puntland oo talo jeedin kasoo saaray magacaabista guddiga doorashooyinka Puntland  (dhegayso)

Xilli madaxweynaha Puntland Dr cbadiweli Maxmed Cali gaas lagu wado inuu maalmahan soo aadan magacaabo gudiga khilaafaadka iyo kala saarist Baarlamanka Puntland ,ayaa waxaa maanta  magaalada Garoowe shir jaraaid ku qabtay dalladana daneeyaasha aan dawliga aheyn ee PUNSA Loo yaqaan ,waxayna madaxweynaha ka codsadeen in uu gudigaas ka dhigo mid loo siman yahay .

sidoo kale waxa ay ku baaqeen  in la ilaaliyo qoondada haweenka ee gudigaas .

Dalada ayaa  sidookale waxa ay codsatay in aan gudigas lagu darin shaqsiyaad  xil ka haysa xukuumada haatan talada haysa, ama xukuumadihii hore ee Puntland soo maray.

Gudoomiyaha PUNSA Faysal Warsame ayaa  Warbaahinta u akhriyey qoraalka ay soo saareen .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com