Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug oo la magacaabay

HomeWararka

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug oo la magacaabay

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa Cusmaan Macallin Xasan loogu magacaabay A

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo Qiima Dhimis U Samaysay Macaamiisheeda (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Cumar Lakiman, Daljir cWaaq (dhegayso)
Madaxweynaha Jubbaland oo laamaha amaanka la shiray

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa Cusmaan Macallin Xasan loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug.

Cusmaan Macalin ayaa ah aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha maamulka & horumarinta Dhaqaalaha. Isagoona kasoo shaqeeyay dalka iyo dibadaba, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug.

Wuxuu ka mid ahaa aqoonyahankii Soomaliyeed ee dadaalka mugga leh ku baxshay soo kabashada waxbarashada hoose iyo midda sare ee dalka. Isagoona sanadyadii dambe ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Soomaaliya (SIU).

Magacaabistaan ayaa soo baxday kaddib markii Madaxweynuhu garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh, isla markaana tixgeliyey kartida, aqoonta iyo waayo aragnimada masuulkan u leeyahay arrimaha maamulka & maareynta.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: