Dowladda oo sheegtay inay howlgalo ku dileen saraakil ka tirsan Alshabaab

HomeWararka

Dowladda oo sheegtay inay howlgalo ku dileen saraakil ka tirsan Alshabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaliya ayaa maanta howlgallo ka dhan kooxda Al-Shabaab ka bilaabay wadada u dhaxeeysa degmooyinka Buulabarde iyo Jalalaqsi

Cumar Cabdullaahi, Hadaaftimo: “Soomaalilaan Meel Cidla ah oo Maamul ka Horreeyey uusan Jirin bay Yimaadeen” (dhegayso)
Maxaa Looga Hadlay Kulankii Golaha Xukuumadda Soomaaliya?
Caawa & Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Ciidanka xoogga dalka Soomaliya ayaa maanta howlgallo ka dhan kooxda Al-Shabaab ka bilaabay wadada u dhaxeeysa degmooyinka Buulabarde iyo Jalalaqsi halkaas oo Xubno ka tirsan Al-Shabaab dhowr jeer ay weraro ka fuliyeen.

Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidamada Dowladda Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe iyo saraakiil kale oo katirsan Qeybta 27-aad ee ayaa sheegay in howlgalka ay Khasaare xooggan gaarsiiyeen Al-shabaab kuwaasi oo ku sugnaa inta udhexeeysay magaalooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobolka hiiraan.

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad G/le Sare Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo lahadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 11- ka mid Al-Shabaab, kuwaas oo dadka dhibaateyn jiray sida uu hadalka u dhigay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: