Afhayeenka Baarlamaanka Puntland oo lagu weeraray Midigale, Sanaag

Afhayeenka Baarlamaanka Puntland oo lagu weeraray Midigale, Sanaag

Ugu yaraan ilaa iyo saddax Ruux ayaa ku dhaawacmay iskahorimaad maanta dhexmaray ciidamada ilaalada u ah guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo dad shacab ah oo ka caraysnaa booqashada uu rabay in uu ku tago deegaanka Midigale ee gobolka Sanaag.

Dadkii ku dhaawacmay iskahorimaadka ayaa waxaa ku jiray Taliye Kuxigeenka 2aad ee Ciidamada Booliska Puntland, Gaashaanle Sare Caydiid Axmed Nuur.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abwaan CabdiRashiid Yuusuf Jibriil ayaa xalay xaflad soo dhawayn ah waxaa loogu sameeyay magaalada Dhahar.

Wararka aan ka helayno degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas ayana ka dhaceen bannaanbax looga soo horjeedo imaatinka Guddoomiye Abwaan CabdiRashiid Yuusuf Jibriil.

Sahcabka gobolka Sanaag ayaa ku kala qaybsan xil ka qaadistii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin DhooboDaareed oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com