Afar qof oo lagu dilay gobalka Ontario ee Canada (Daawo)

Afar qof oo lagu dilay gobalka Ontario ee Canada (Daawo)

Booliska gobolka Ontario ee Canada ayaa sheegay in darawal si ula kac ah u jiirsiiyay gaarigiisa qoys ka kooban afar ruux halka qof kalana uu ku dhaawacmay oo Muslimiin ah.

Dhibanayaasha, oo dhammaantood hal qoys ayaa markii uu falkan dhacayay waxa ay doonayeen inay ka gudbaan waddo laami ah fiidnimadii Axadda magaalada London, oo qiyaastii 200km (124 mayl) koonfur-galbeed ka xigta Toronto.

Booliska ayaa sheegay in dhibanayaasha ay ahaayeen laba haween ah oo kala jira 77 iyo 44 jir, nin 46 jir ah iyo gabar 15 jir ah. Sidoo kale wiil sagaal jir ah ayaa si xun u dhaawacmay oo isbitaalka lagu daweynayo. Hase yeeshee, Maamulka deegaanka ayaan shaacin magacyada dhibanayaasha.

Weerarka ayaa yimid iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo weerarada Islaam naceybka ah ee ka dhaca gobolada dalka Canada oo dhan.

Ra’iisal wasaaraha Canadia Justin Trudeau wuxuu sheegay inuu ka argagaxay wax uu ku tilmaamay ficil nacayb, wuxuuna sheegay in fikirradiisu ay la jiraan dhibbanayaashii ay jeclaayeen, oo uu ku jiro wiilkii yaraa ee badbaaday.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com