Adeegsiga iyo Isticmaalka  Bacda iyo Caagga oo Ku Badanaya Soomaaliya iyo Baaritaanno Cilmi oo lagu Ogaaday Baaxadda Halistooda Caafimaad (dhegayso)

HomeWararka

Adeegsiga iyo Isticmaalka Bacda iyo Caagga oo Ku Badanaya Soomaaliya iyo Baaritaanno Cilmi oo lagu Ogaaday Baaxadda Halistooda Caafimaad (dhegayso)

Bacda iyo walxaha kale ee caagga ka samaysan ayaa kaalimaha hore kaga jira shayda loogu adeegsiga badanyahay gudaha Soomaaliya oo dhan, kuwaasoo si si

Wasiirkii Waxbarshada ee Xukuumadda Soomaaliya oo xilkii laga qaaday
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Maxaa laga fili karaa xaalka doorasho iyo degganaan ee Jubbaland? (dhegayso)

Bacda iyo walxaha kale ee caagga ka samaysan ayaa kaalimaha hore kaga jira shayda loogu adeegsiga badanyahay gudaha Soomaaliya oo dhan, kuwaasoo si siman ugu faahfay miyi iyo magaalaba, yeeshayna waxyeelooyin lixaadleh oo iskugu dhafan caafimaadka dadka, duunyada iyo deegaankaba.

Daraasado cilmi-baaris oo laga sameeyey waxyeellada caafimaad ee Bacda iyo Caagga ayaa lagu ogaaday sarraynta iyo badnaanta xaddiga Bacda laga isticmaalo gudaha Soomaaliya, taasoo saamayn ba’an ku yeelatay badqabka noolaha iyo deegaankaba, iyadoo daraasaduhu ay tilmaamayaa jiritaanka halis sii kordhaysa oo Bacda iyo Caaggu ay leeyihiin.

Jaamacadda Bariga Afrika ayaa ka mid ahaa meelaha daraasadaha cilmi-baaris ka sameeyey halista caafimaad ee Bacda iyo Caagga, cilmi-baaristaasi oo xilli sii horraysay Jaamacaddu soo gabagabaysay, soona bandhigtay wixii ay ku ogaadeen cilmi-baarayaasheedu.

Prof. Maxamed Xareed Cali waa bare sare oo maadada Kimisteriga ka dhiga Jaamacadda Bariga Afrika, sidoo kalena ah Cilmi-baare, wuxuuna ka mid ahaa khubaradii Jaamacadda ee Cilmi-baarista ka sameeyey waxyeellada Bacda iyo Caagga.

CabdiFataax Cumar Geeddi ayuuna uga warramay halis lahaanta caafimaad ee Bacda iyo Caagga, wuxuuna uu marka hore waydiiyey Bacda iyo noocyada kiimiko ee ay ka unkantahay.

dhegayso Waraysi

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: