Aas Qaran oo Garoowe lagu sameyeey AUN Ra’iisul Wasaarihi hore ee Somaaliya (Sawiro)

Aas Qaran oo Garoowe lagu sameyeey AUN Ra’iisul Wasaarihi hore ee Somaaliya (Sawiro)

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta Aas Qaran loogu sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Cabdi Qaasim Salaad Xasan Xasan Abshir faarax,kaas oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Ka hor inta aan loo duulin Meydka Marxuumka ayaa waxaa Salaadi Janaasada lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho,waxaana ka qeyb galay Madaweyne Farmaajo, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowso.

Markii la geeyay Magaalada Garoowe Meydka Marxuumka ayaa waxaa Aaskiisa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Madaxweynayaasha Shanta Maamul goboleed, Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo ka raacay Muqdisho.

Dhamaan Madaxdii ka qeyb gashay Aaska Marxuum Xasan Abshir Faarax ayaa waxaa ay sheegeen in uu ahaa halyeey wax badan dalkaan kasoo qabtay,isla markaana kaalin weyn kasoo qaatay midnimada dalka Soomaaliya.

Alle ha u Naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax waxa uu ku Dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1943 kii, 1973 waxaa loo magacaabay Duqqa Magaalada Muqdisho isagoona ahaa Maayarkii ugu Da’da Yaraa ee xilligaas.

Sidoo kale 1998 Xasan Abshir Faarax ayaa ka mid ahaa Aas’aasayaashii Dowlad Goboleedka Puntland,halka sanadkii 2001 ee Dowladdii Carte ee Jabuuti lagu Soo dhisay ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Qaasim Salaad looga Magacaabay Raiisul Wasaare.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com