Gotabaya Rajapaksa oo loo doortay madaxweynaha cusub ee Sri Lanka

Gotabaya Rajapaksa oo loo doortay madaxweynaha cusub ee Sri Lanka

Guddiga doorashada dalka Sri Lanka ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Guddiga ayaa sheegay in doorashadii madaxtinimo ee dalka uu ku soo baxay musharaxa lagu magacaabo Gotabaya Rajapaksa.

Rajapaksa ayaa ahaa xoghayihii wasaaradda difaaca ee Sri Lanka.

Madaxweynaha cusub ee Gotabaya Rajapaksa ayaa la dhashay madaxweynihii hore ee Sri Lanka Mahinda Rajapaksa,

Mr. Gotabaya Rajapaksa ayaa ka guuleystay Sajith Premadasa oo hogaaminaye xisbigii talada dalka hayey ee United National Party.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com