Galmudug oo beenisay in laxanibay gaadiidkii gurmadka ee ka yimid dhanka Puntland

HomeWararka

Galmudug oo beenisay in laxanibay gaadiidkii gurmadka ee ka yimid dhanka Puntland

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in gaadiid ka soo baxay Puntland oo sida gargaar loogu talagalay dad

38 qof oo ku dhimatay roobab ka da’ay dalka Yemen
Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Cadaado (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in gaadiid ka soo baxay Puntland oo sida gargaar loogu talagalay dadka Baladweyne muddo saddex maalin ah lagu xanibay Magaalada Gaalkacyo, hayeeshee waxaa arrintaas ka hadlay maamulka gobolka Mudug ee dhanka Galmudug.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in 21 Gaari oo sida gargaar lagu xanibay gudaha Gaalkacyo, isla markaana wararka la faafiyay ay yihiin kuwa aan waxba ka jirin.
Sidoo kale waxaa uu beeniyay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cali Diiriye in maamulkiisa ay Canshuur weeydiisteen gaadiidkii siday Gurmadka ee kusii jeeday Baladweyne kana soo baxay Magaalada Garoowe.

Waxa uu xaqiijiyay in gaadiidkii kasoo baxay Garoowe mid kamid ah uu ku halaabay Gaalkacyo, isla markaana markii dambe la habeeyay ayna shalay kasoo ambabixiyeen halkaas.
Hadalka guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa waxaaa kusoo aadayaa, iyadoo saacadihii la soo dhaafay la faafiyay warar sheegaya in 21 gaari oo sida gargaar lagu xanibay muddo saddex maalmood ah Magaalada Gaalkacyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: