Doorashada Spain oo meel xaasaasi ah maraysa iyo xisbiga shaqaalaha oo hogaaminaya

HomeWararka

Doorashada Spain oo meel xaasaasi ah maraysa iyo xisbiga shaqaalaha oo hogaaminaya

Sida ay shaacisay wasaarada arimaha gudaha xukuumada Spain, xisbiga Hantiwadaaga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Raysal wasaaraha muda xileedkiisu dhamaada

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bossaso (dhegayso)
Somaliland oo ka fiirsanaysa tilaabada ay u qaadayso dagaalka Buuhoodle
DOOLOW, GEDO: Qabanqaabada xafladda soodhaweynta Cabdirashiid Janan oo socota

Sida ay shaacisay wasaarada arimaha gudaha xukuumada Spain, xisbiga Hantiwadaaga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Raysal wasaaraha muda xileedkiisu dhamaaday ee Pedro Sanchez ayaa hogaaminaya doorasha kuraasta barlamaanka isagoo helay 120 Kursi.

Halka xisbiga dadweynaha uu soo galay kaalinta Labaad waxana uu ku guuleystay 88 Kursi, xisbiga Focus ee midigta fog ayaa kalinta Sadexaad ku jira wuxuuna helay 52 Kursi.

Guushan ayaan u suurtagelinayn xisbiga hantiwadaaga shaqaalaha in ay mamulka keligood qabtaan, taas oo ku kalifaysa in ay ka raadiyaan taageero barlamaanka cusub oo tirada xisbiyadu ay korortay taas oo ka dhalatay xaalada kala qeybsanaanta ah ee ka jirta siyaasada dalkaasi.
Xisbiga midigta fog ee u ololeeya gooni isu taaga Gobolka Catalunya ayaa qaaday taalaabo wanaagsan tan iyo bilawga dimuqraadiyada dalkaasi Spain.

Xukuumada Spain ayaa la daalaa dhacaysa deganaansho la’aan tan iyo sanadkii 2015-tii, ka dib markii ay curteen xisbiyo cusub .

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: