Madaxweynaha Bolivia Evo Morales oo iscasilay

HomeWararka

Madaxweynaha Bolivia Evo Morales oo iscasilay

Madaxweynaha Bolivia Evo Morales ayaa ku dhawaaqay is casilaadiisa isagoo ka jawaabaya dhawaaqyo is xigxigay oo ka imaanayey hogaanka ciidamada, kadib

Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Badhan (dhegayso)
Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab
Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Garowe (daawo)

Madaxweynaha Bolivia Evo Morales ayaa ku dhawaaqay is casilaadiisa isagoo ka jawaabaya dhawaaqyo is xigxigay oo ka imaanayey hogaanka ciidamada, kadib tobaadyo qalalaaso ah oo ka socday wadankaasi.

Morales oo 60 jir ah, oo ka hadlay Telefishanka ayaa cadeeyey in uu iska casilay xilka madaxtimada, Ku xigeenkiisa Alvaro Garcia oo isaguna is casilay ayaa ku tilmaamay arintaan Inqilaab.

Is casilaada Madaxweyne Morales ayaa imanaysa ka dib muran iyo qalaalaso ka dhashay dib usoo doorashadiisii afraad, taasi oo ay ka biyo diideen tartamaayaashii kale ee doorashada kala qeyb galayey.

Dhinaca kale waxa iyana is casishay gudoomiyihii maxkamada sare Maria Eugenia, ka dib eedaymo la xariira is dabamarinta codadka intii ay socotay doorashadii madaxtinimada ee dhacday 20-kii October ee sanadkii hore.

Is casilaada Madaxweyne Morales ayaa imaanaysa ka dib iscasilaada dhowr xubnood oo ka tirsan xukumadiisa, xafiiska xeer ilaalilnta guud ayaa sheegay in baaritaan la xariira wax is daba marin kusocdaan xubno ka tirsan Maxkamada doorashooyinka.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: