Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyey degaannada leego, yaaq Bariweyne iyo Warta Madax Maroodi oo hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha ururka 64aad ee Ciidanka xoogga Dalka Cali Cabdulalahi Halac oo howlgalka hoggaminayay ayaa sheegay in Ujeedka uu ahaa sidoo Al-Shabaab looga saari lahaa degaannadaas, isla markaana loo xaqiijin lahaa Amnigooda.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka ay kusoo qabteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo mararka qaar weeraro ka geysan jiray degaannada howlgalka laga sameeyay.

Degaannada hostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah degaannada ugu amniga xun Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana aad ugu xoogan oo mar walba weeraro ka geysta Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com