Somaliland oo ka fiirsanaysa tilaabada ay u qaadayso dagaalka Buuhoodle

Somaliland oo ka fiirsanaysa tilaabada ay u qaadayso dagaalka Buuhoodle

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo ka hadlay dagaalkii maanta kadhacay magaalada Buuhoodle ayaa sheegay dagaalka ka qarxay Buuhoodle inay aad ugu welwalsanyihiin colaadaasi inay deegaamo kale kufiddo.

Mar la waydiiyay qorshohooda dagaalkan ayaa waxaa uu sheegay inay ka fiirsanayaan tilaabada ay qaadayaan, isagoona intaasi ku daray taliyeyaal ciidamo  iyo dano kale duwan ay gobolka ku suganyihiin, sidaasi darteed ay xiligaan ku degdegi karin deegaankaasi.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay inay baaq u direen dhinacyada dagaalamay, isagoona xusay inay lasocdaan dad ku dhow toban qof inay dagaalka ku geeriyoodeen.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com