Mintidiinta Mali oo weerar ku dilay  53 Askari

HomeWararka

Mintidiinta Mali oo weerar ku dilay 53 Askari

54 Askari oo  uu kujiro qof shacab ah ayaa lagu dilay jimcihii shalay weerar lagu qaaday xarun militari oo ku taal Andiliman ee waqooyiga Mali sida uu

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku xukuntay Askari ka mid ahaa Ilaalada Senator ka tirsan Barlamaanka Somaaliya
Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Wakiilka Midowga Afrika
Shirkii Haweenka Puntland oo maanta soo Xidhmay iyo qodobo laga soo saaray( dhagayso )

54 Askari oo  uu kujiro qof shacab ah ayaa lagu dilay jimcihii shalay weerar lagu qaaday xarun militari oo ku taal Andiliman ee waqooyiga Mali sida uu sheegay Wasiirka Isgaarsiinta ee dalkaaski Yaya Sangari.

Sangari ayaa sheegay in ay heleen 54 kamid ah meedadka askarta ladilay, oo uu ku jiray qof  shacab ah.

 

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Mali waxay ay ku dhaleecaysay weerarka, iyagoo intaas ku daray in ciidamo xoojin ah loo diray halkaasi si loo sugo amaanka goobta loona soo qabto kuwii ka dambeeyey weerarkan.

Dagaalyahanada xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa la wareegey gacan ku haynta waqooyiga Mali sanadii 2012kii, laakiin fara gelin militari oo uu bilaabay Faransiiska bishii Janaayo 2013 kii walina socda ayaa waxa uu horseeday dib u soo celinta goobo badan oo ay dagaalyahanadu gacanta ku hayeen.

weerarkan ayaa  yimid kadib markii 40 askari lagu diley deegaankaasi intii u dhexaysay bilihii Sebtember iyo Oktoobar ee ina dhaafay sida uu sheegay sarkaal u hadlay ciidamada difaaca.

Kooxaha xiriir la leh Daacish iyo al-Qaacida ayaa awood u yeeshay inay weeraro ka qaadaan aagaga xeebta ah, iyagoo khalkhal geliyay qaybo ka mid ah Niger iyo Burkina Faso.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: