Wararkii ugu dambeeyay iyo fatahaada wabiga Shabeelle

HomeWararka

Wararkii ugu dambeeyay iyo fatahaada wabiga Shabeelle

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad hor leh ka geystay deegaano ka tirsna Gobolka Shabeellaha Dhexe oo hoos-taga magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaa, iyadoo i

Ciidanka DANAB oo sameeyay howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab
Turmoil in Hargeisa as opposing clan demonstrations rock the city
UK oo taageertay Shirkii uu ku baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble ku baaqay

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad hor leh ka geystay deegaano ka tirsna Gobolka Shabeellaha Dhexe oo hoos-taga magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaa, iyadoo inta badan dadkii deegaanka ee ku sugnaa isaga barakaceen.

Tuulooyin ku dhow 10 Tuulo ayuu saameeyay fatahaada wabiga Shabelle, waxaana ka mid ah Buurfuule, Buulo Sabuun, Muriyaale, Lama-Waab, Xudur Ciise, Kulmis Weyne, sidoo kale xaafado ka tirsan degmada Mahadaay ayuu wabiga ku soo fatahay.

Guddoomiyaha Tuulada Buurfuule C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in illaa 300 oo qoys ay ku barakaceen fatahaada, waxaana uu ugu baaqay Madaxda Hirshabeelle in gurmad degdeg ah lala soo gaaro qoysaska ku barakacay fatahaada.

Waxaa laga cabsi qabaa in fatahaada wabiga ay goyso wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kaddib markii daadadka ka dhashay fatahaada wabiga ay gaareen duleedyada magaalada Jowhar.

Fatahaadaha Wabiga Shabelle ayaa ka dambeeyay roobabka xilligan da’aya iyo wabiga oo biyo badan keenay, taasoo keentay inuu karkaarka jabsado oo uu ku fataho deegaanada uu maro oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: