Madaxweyne Deni: “Waxaan horistaagnay Xildhibaano doonayey in ay la wareegaan talada Puntland” (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Madaxweyne Deni: “Waxaan horistaagnay Xildhibaano doonayey in ay la wareegaan talada Puntland” (dhegayso)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa sheegay in xuluumadkiisa ay ishortaag ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Puntland oo doonayay inay l

Somali intellectuals and influencers on ‘War in Laascaanood & the future of SSC-Khatumo’ | PART III
ETHIOPIAN EXPANSIONISM, SOMALIA’S TERRITORIAL INTEGRITY AND THE GAZA LESSON FOR PRESIDENT HASSAN SHEIKH
Odayaasha Gobolka Bari iyo Xaalka Dekedda Bossaso (dhegayso)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa sheegay in xuluumadkiisa ay ishortaag ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Puntland oo doonayay inay la wareegaan Maamulka, kuwaasi oo uu xusay in ay rabeen in ay wax ka go’aamiyaan Maamulka Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu tilmaamay in uusan aheyd shaqsi lagu cabsiin karo inuu garanwaayay shaqada, sidoo kalena uusan aheyn shaqsi loo sheegi karo danta Puntland.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale waxa uu si toos ugu jawaabay Xildhibaan Cawil Daad oo weydiiyay su’aal. Maxadweyne Deni ayaa xildhibaanada xasuusiyey in Xildhibaan Cawil uu kamid ahaa maamulkii hore ee Cabdiwali Cali Gaas, ayna ku guuldareysteen bal wax kale iska daa e in ay bixiyaan mushaaraadkii shaqaalaha Puntland.

Dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: