Khayre oo soo xiray Shir ka socday Magaaladda Muqdisho (Daawo)

HomeWararka

Khayre oo soo xiray Shir ka socday Magaaladda Muqdisho (Daawo)

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo xiray shirka agaasimayaasha guud ee wasaarahada he

Itoobiya oo la kulantay cambaareyn Caalami ah
Senator Xasan Kobac oo hambalyo u diray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Nin Al-Shabaab ka tirsanaa oo ciidamada Kenya isku soo dhiibay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo xiray shirka agaasimayaasha guud ee wasaarahada heer federaalka iyo heer dowlad gobaleed oo Muqdisho ka socday intii u dhexeysay Aktoobar 22-26, 2019.

Shirka oo ahaa kii ugu horreeyay ee agaasimayaasha guud isugu yimaadaan ayaa dib loogu eegay guulihii ay gaareen dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah iyo caqabadihii lala kulmay intii lagu guda jiray dhaqan gelinta ajandayaasha iyo qorshe howleedka dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay agaasimayaasha guud shaqada ballaaran ee ay qabteen maalmihii ay u fadhiyeen shirka ay dib ugu eegayeen wixii qabsoomay, ugana tashanayeen qorshayaasha wasaaraha ee hor-tebinta leh, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaalkooda horumarinta qaranka.

Shirka ay yeesheen agaasimayaasha guud ayaa gogol xaar u noqonaya sare u qaadidda wadashaqeynta dhaw ee ka dhexeysa agaasimayaasha guud ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed oo qayb weyn ka qaadaneysa horumarinta adeegyada dowladdu u qabato shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo.

Diwaanka

Wararka Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: