Xoghaha Joogtada ah Ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Muqdisho Ka Furay Shirka Agaasimayaasha Guud Ee Dowladda

Xoghaha Joogtada ah Ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Muqdisho Ka Furay Shirka Agaasimayaasha Guud Ee Dowladda

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir ay yeelanayaan agaasimayaasha guud ee wasaaaraha dowladda.

Shirka oo soconaya October 22-26, 2019, ayaa lagu qiimeynayaa meesha ay mareyso shaqada dowladdu ay ummadda Soomaaliyeed u heyso iyo wixii ka qabsoomay qorshihii loo dejiyay wasaradaha iyo tubaha qaranka.

Kulanka ay leeyihiin agaasimayaasha guud ayaa sidoo kale looga hadlayaa, si aad ahna looga doodayaa qorshaha horumarinta qaranka (2020-2024), hiigsiga guud ee qaranka, gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com