Mareykanka: Waxaan Farmaajo u sheegnay in uu ka haro dacwadda Badda

HomeWararka

Mareykanka: Waxaan Farmaajo u sheegnay in uu ka haro dacwadda Badda

Safiirka Mareykanka u jooga Kenya Kyle McCarter oo wareysi siiyay wargeyska Daily Nation ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka tahay arri

Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Muqdisho (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Hiigsi & Hayaan: Taxanaha 14aad iyo Wariye Cabdifataax Cumar Geeddi

Safiirka Mareykanka u jooga Kenya Kyle McCarter oo wareysi siiyay wargeyska Daily Nation ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka tahay arrinta Muranka Badda ee u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Kyle McCarter ayaa su’aallada uu weeydiyay wargeyska Daily Nation ayaa waxaa ku jiray mid la xiriirta muranka badda ee Somalia iyo Kenya, iyo waxa uu yahay go’aanka Mareykanka ee arrintaas.

Kyle McCarter ayaa waxaa uu sheegay in Mareykanka ay ka shaqeyneyso in wax walba lagu xaliyo miiska wada hadalka, wuxuu kaloo sheegay inuu Muqdisho tagay uuna Madaxweyne Farmaajo kala hadlay inuu dacwada kasoo saaro Maxkamada, oo arrinta wadahadal lagu xaliyo.

Wuxuu intaa ku daray Safiirka Mareykanka u jooga Kenya in Farmaajo iyo Uhuru ay u sheegeen in caqabada ugu weyn ay tahay in laga adkaado Al Shabaab.

Dowladda Somalia ma sheegin socdaalka uu Kyle McCarter ku yimmid Muqdisho, kaas oo u muuqda inuu qarsoodi ahaa, balse hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo Isbuucii lasoo dhaafay ay Maxkamadd ICJ dib u dhigtay wajiga labaad ee dhageysiga muranka badda ee Kenya iyo Somalia.

Wareysigaan ayaa waxaa uu kusoo baxay cadadkii Maanta ee wargeyska Daily Nation, wuxuuna safiirku ka hadlay arrimo u badnaa kuwa gudaha Kenya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: