Hoggaamiyaha mucaaradka Zambia oo Xabsiga la dhigay

HomeWararka

Hoggaamiyaha mucaaradka Zambia oo Xabsiga la dhigay

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Dalka Zambia, Chishimba Kambwili ayaa lagu wadaa in uu kasoo muuqdo Maxkamadda, markii lagu eedeeyay in uu faafiyay mu

Radio Daljir: Siyaasiga waano ma deeqdo ee xisaabtan baa deeqa
Farriin Siyaasadeed – Cali Xaaji Warsame: Mid u diir naxay dadku doonayaan aan dillaalin bay doonayaan (daawo)
Sabiriin Jaamac Awcabdi”Dadka Laascnood Xabadu ku haleehsay waxa kamida Abahey oo hada Dhaawac ah”

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Dalka Zambia, Chishimba Kambwili ayaa lagu wadaa in uu kasoo muuqdo Maxkamadda, markii lagu eedeeyay in uu faafiyay muuqaallo lagu Aflegaaddeynayo Madaxweynaha Dalkaasi Edgar Lungu.

Booliska Zambia ayaa gelinkii dambe ee Shalay Xabsiga u taxaabay , Chishimba Kambwili, markii uu baraha Bulshada ku baahiyay muuqaal Daawasho ah oo uu ku dhaleeceynayo Madaxweynaha, isagoo ku tilmaamay Eey Madax adag oo macangag ah.

Hoggaamiyaha Xisbiga National Democratic Congress (NDC) ee Dalka Zambia, Chishimba Kambwili, ayaa Saxaafadda u sheegay in hadaladiisa si khaldan loo fahmay, balse uu ula jeedo in uu Madaxweynuha yahay ma daale ah.

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka Dalka Zambia, Chishimba Kambwili ayaa tusaale u soo qaatay Eyda ku nool degaanka Chawama, oo ka tirsan Caasimadda Zambia ee Lusaka, halkaas oo uu horay ugu noolaa Madaxweyne Lungu, isagoo sidoo kale soo qaatay safarro is daba joog ah oo uu dibedda u aaday dhowaan.

Isha warkan/ Aljaziira

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: