Radio Daljir: Siyaasiga waano ma deeqdo ee xisaabtan baa deeqa

Radio Daljir: Siyaasiga waano ma deeqdo ee xisaabtan baa deeqa

Siyaasadda Soomaaliya ee sanadahaan danbe ma aha in ay sii ahaato mid mar kasta kor ka bilaabata, kana bilaabata Madaxweyne (dal ama dowlad) ama Raysal Wasaare. Siyaasadda iyo siyaasiga nafaca lihi waa in uu noqdaa mid ku yimaada hoos-ka-dhis. Waa in uu yahay mid la yaqaan, qof ahaan iyo siyaasad ahaan. Waa in uu taariikh leeyahay. Ma aha in siyaasiga Soomaaliyeed sannad kasta uu cir-ka-soo-dhac noqdo iyo “waa laguu yaqaan” ama “hebel baa wata.”

Siyaasigu waa “shaqotag” loo baahanyahay in la iska hubiyo taariikhdiisa inta aan shaqada loo dhiiban, lana darso daruufaha uu ku koray, wax ku bartey, ku shaqeeyey iyo natiijada shaqadiisa. Taariikhda siyaasiga Soomaaliyeed waa in aysan noqon mid la laalo ama “xalay-dhalay” laga noqdo markii xil loo dhiibo. Haddii uusan raad la raaco laheyn ama uu leeyahay taariikh madow waa mid mudan in la diido.

Siyaasiga Soomaalidu khibrad ahaan iyo aqoon ahaan ha ahaado mid aad u liito, hana u sii dheeraato waddaniyad darro, laakiin siyaasad iyo siyaasi ahaan waxba kama liito siyaasiyiinta caalamka. Xil jaceyl iyo wax walba xalkooda anaa haya waa siyaasad ay ka wada simanyihiin, laakiin waxaa la isku dhaafay, shacabna ku badbaadey, xisaabtan iyo shacab xisaabtama.

Sidee xisaabtan lagu helaa oo faramaroorsiga awoodeed ee siyaasiga looga hortagaa, canshuurta shacabkana loo badbaadiyaa, waa su’aasha maanta taagan.

Sidaas darteed aan u laabano hoos-ka-dhis iyo sidee loola xisaabtamaa siyaasiga Soomaaliyeed, siiba kan si toos ah loo arki karo waxqabadkiisa ama waxqabad la’aantiisa, sida Guddoomiye Degmo?

Si shacabku ay u xisaabtamaan waa in marka hore la helaa warbaahin xor ah, karti leh, soona bandhigta xisaabtanka shacabka, daaha ka rogta waxqabadka iyo waxqabad la’aanta siyaasiga.

Haddaba maxaa ugu yar oo laga filan karaa in Guddoomiye kastaa uu subax walba ku hawlgalo? Aan ku biloowno tusaalayaasha hoose:

  1. Waa in uu hayaa tirokoob shaqaalaha degmada
  2. Waa in uu hayaa tirakoobka ganacsiga deegaanka
  3. Waa in uu hayaa tirakoobka canshuur bixiyaha iyo kan aan bixin
  4. Waa in uu hayaa sawir ama khariirad magaaladiisa iyo jidadkeeda, laami, jid bacaad, iyo magaca mid walba
  5. Waa in uu hayaa tirakoobka guryaha magaalada, hoy iyo ganacsi
  6. Waa in uu hayaa tirkoobka shatiyada aan dhicin iyo kuwa dhacay, ganacsi iyo kuwo gaadiidba
  7. Waa in uu hayaa liiska maxaa qabsoomay shalay, maxaa se miiska saaran maanta iyo berri
  8. Waa in uu leeyahay xafiiska xisaabi-xil-maleh oo la sii xisaabtama canshuur aruriyaha degmada
  9. Waa in uu bil walba soo horfariisto warlaliska shacabka, oo warbixin hormarka la hiigsanayo iyo dib-u-dhacaba uu shacabkiisa la qaybso, kana jawaabo su’aalahooda
  10. Waa in uu noqdaa mid xafiiska shaqada laga helo, oo aan hanjabaad iyo xarig isugu darin kii weydiiya, “Guddoomiye xafiiska goormaa lagaa helaa, maxaad se ku qabatey canshuurtii shacabka?”

Guuddoomiyihii ugu yaraan intaas kore ku hawlgala, waana farakutiris, waa mid diyaar u ah in uu dadkiisa hoggaamiyo. Waa mid diyaar u ah in deeegaankaas kooban ee lagu aaminey uu hormar u horseedo. Waa mid hoggaanka berri lagu aamini karo.

Waa hoggamiye taariikh la tixraaco yeelanaya, diyaarna u ah in uu fuulo jaranjarada hoggaaminta.

Laakiin Guddoomiyihii laga arki waayo fulin hawshii loo igmadey, ha ahaato aqoon xumo ama khibrad la’aan aad u liidata, waa mid mudan in lagala xisaabtamo. Sidoo kale waa mid mudan in lagula xisaabtamo hoggaanka sare ee booskaas uusan u qalmin ku aaminey, waana tilmaan muujineysa in hoggaanka sare uusan dan ka laheyn hormar dad iyo mid deegaan. Waa mid muujineysa in labada hoggaanba ay shaqotag yihiin. Waa mid shacabka u sheegaysa in af iyo uur aysan islaheyn.

Sidaas darteed, si hormar loo hiigsado, looga gudbo xisaabxumada raagtey ee Soomaali ku habsatay, waa lagamamaarmaan in dadka loo soo shaqotagey ay xisaabtaamaan, la xisaabtamaan siyaasiga, darajo kasta oo uu huwanyahay.

Haddii aan shalay xoogga saarney hoggaanka sare, maanta aan u soojeesano hoggaanka degmo, oo aan barano sida loola xisaabtamo hoggaanka berrito.

Qaybta 1aad

Qaybta 2aad

 

Diiwaanka Daljir

Radio Daljir

…………………………………………….. >>>> … <<< ……………………………………………..

FG: Xisaabtanka shacabka kala soco barnaamijka Muuqaalka Bulshada ee Radio Daljir. Fikirkaaga iyo falceliskaagana nala qaybso oo nagala soo xiriir emailka: [email protected] ama farriin noogu soo dir Shimbirta Radio Daljir

…………………………………………….. >>>> … <<< ……………………………………………..

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • Deeq xasan maxamed 4 years ago

    Marka hore asc sln kadib waxan aad uga mahad celinaya sida wanaagsan aad wax uwadaan adinko fahan aad umuhiim ah in lafahmo dadkiina ugu bidhaaminesan si hagar la’an ah ciladaha naheysto aye kamid thy in aan wax fahan laga heesan sidii wax loo dhiraan dhiri laha qodobada aad soo sheegtena loo hirgalin laha. Mahadsanidiin aad baan uga faa’iidaystay

  • cabdiqaadir 6 years ago

    Waxaan aad uga helay faalada la xisaabtanka siyaasiga.

    Runtii waxaa ka muuqata qormada aqoon iyo farshaxanimo qurux badan

    Mahadsanidiin bahda #daljir

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com